Iyado xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay Golaa Shacabka Iyo Xukuumada aya waxxa si yaabo kla duwan ugu hadlaya Xildibanada Baarlamanka ee Labada garab kala tagersan.
Waxanan shaki ku jirin in mooshinkan Xukumadu ay ku doneyso in Jawaari Meesha loogaga Saaro ay xukumadu ku doneyso in ay fushato holaheda madaama jawaari uu diiday daneysiga maamuleyd ee dalka.
Sido kale waxa shaki ku jirin oo lawada arkaya kolkii ay Xildhibanadu ay saxiixeyn Sharciga Dalka loga mamnucay Shirkada DP World in Golaha Wasiiradaay bilaabeyn Moshinka Jawaari.
Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan Golaha shacabka oo la hadlayay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in shirkadda DPWolrd ee 12-kii bishan Baarlamaanka soo saaray xeer dalka looga mamnuucayo ay ka dambeyso xiisadda ka dhex taagan xubnaha Golaha shacabka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in DPWorld ay gadaal ka riixeyso mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawari sidoo kalena ay ka dambeyso ciidanka la geeyay xarunta golaha Shacabka.
Gudoomiye Jawaari aya shalay markale ku celiyay in Xukumadu ay ciidankeda ka saarto guriga ay ku kuman Golaha Shacabka iyado Xildhibanada taageersan Jawaari ay cabsi ka Muujnayan Cidankaasi xaruntoda ku sugan.