Yaa Ka Masuul Aha Qaraxii Shalay Ka Dhacay Degmada Wanlaweyn

Reading Time: < 1 minute

Iyado weerar ismiidaamin ah uu shalay gelinkii dambe ka dhacay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose,ayaa waxaa iminka soo baxaya dayacaad amni oo lasoo sheegayo in ay ka jirto degmadaas.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in dayacaadaas ay masuul ka yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga soomaaliya kuwaas oo loo xil saaray amniga degamdaas.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa waxa uu sheegay in saraakiishii loo dhiibay Ciidamada amniga Wanla-weyn ay ciidamadii degamdaas ku sugnaa,isla markana ay ku bedeleen Maleeshiyaad Beeshooda ah.

Waxa uu ku eedeeyey Saraakiishaas in ay masuul ka yihiin dhibaatada amnidarro eek u soo korortay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaah Hoose,waxa uuna ka codsaday Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya in ay waxka qabato.