Yaa ka Faa’iidaya Dagaalka Aato, Washaqo, Yeed ee Haddana u Gudbay Gudaha Itoobiya.

Reading Time: 3 minutes

Iyadoo ay MOL idiin soo gudbisay xog ku aadaneyd halka iyo cidda soo abaabushay dagaalka ka socda gudaha Itoobiya iyo Degmooyinka Yeed, Aato iyo Washaqo oo ku teedsan xuduudka labada dal ayaa waxaa durba bilowday falanqayno ka dhalanaya baahinta xogtaas.

Ciidanka galay Itoobiya waxaa wata nin ay qaraabo yihiin Mustafe Muxumed Cumar, MW Dowlad Degaanka Soomaalida oo ay hadda taladu ku caddahay. MW Mustafe iyo Fahad Yaasiin, oo isagu ka mid ahaa raggii kula shiray Turkiga Laftagareen, ayaa waxay baadi-goobayaan qaabkii xaalka loogu heli lahaa cid kale oo loo wareejiyo ama loo saariyo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay isla garteen in aysan dowladahoodu wax lug ah ku lahayn dagaalka.

Dagaalkan waxay dani ugu jirtaa dad dhowr ah oo ka mcaashi kara, waxayna kala yihiin:

  1. MW Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar kaas oo u isticmaali doona siyaabo kale duwan oo uu dan moodayo. Jilibka ogaadeenka ah ee uu ka dhashay Mustafe wuxuu si xoog ah ugu jiraaShabaabka. Waalliyooyinka ragga ay u yaqannaan ee ka soo jeeda qabiilka Ogaadeenka waa reer Isaaq oo uu Mustafe ka dhashay. Tusaale Waalliga (Gudoomiyha) Degmada Jilib oo la sheegayo in ciidankaan qeybo ka mid ahi ka soo ka ceen, Ismaaciil Haaruun. waa nin ay xigto dhow yihiin Mustafe. Wiilka Ismaaciil Haaruun, waa Axmed Ismaaciil Haaruune, waa la taliye sare oo Mustafe. Ninka ciidanka watay ee dadka laayey, Cali Diyaar, waa nin ay xigto iyo tol yihiin Mustafe. Dadka fahamsan hawlgallada Shabaab waxay leeyihiin waxay u egtahay in ciidankaan gudaha Itoobiya lagu tababaray. Waxa dhinaca K/Galbeed ka gudbay oo kaliya waa hogaamiyayaasha dagaalka, waxaana taas fududeeyey MW Maamulka K/Galbeed Cabdicaziz Laftagareen. Sidoo kale waxaa hub iyo saanad ay uga timid gobolka qasan ee Gedo oo ay dowladdii MW Farmajo geysay hub casri ah sida qoryaha boobaha loo yaqaanno iyo kuwa dhashiikaha ah. Hubkaas ayaa haddaba adkeeyey raggan in laga adkaado oo waxay ku jiraan buuraha iyo dhulka qarfaha ah.
  2. Fahad Yasiin iyo Kulane Jiis ayaa iyaguna waxay in muddo ah wadeen abaabul hoose oo ah inay Gedo noqoto goobta laga quudinayo xarakada Alshabaab marka ay dhacdo inay dowladda Soomaaliya dagaal ku soo qaaddo. Hubka gobolkaas la geeyey waxa uu ka badan yahay hubka yaalla gobollada dalka waxaana geeyey Kulane Jiis, Generaal Biixi iyo Fahad Yasiin oo fasax ka haysatay MW Farmajo.
  3. Cabdicaziis Laftagareen waxaa uu ahaa jidka iyo goobaha lagu tababarro maleyshiiyaadka Xarakada iyo Meesha hubka loo marsiiyo.

Haddaba Mustafe, Lagtagareen iyo Fahad waxay muddo ka shaqeynayeen inay  mar walba la helo meel ay u baxsadaan ama qas ka buuraan haddii doorashooyinka Muqdisho iyo/ama Baydhabo lagaga adkaado. Waxaa laga yaabaa seddexdoodaba inay ugu dambeynta dabada laga galaan Xarakada Alshabaab oo ay noqdaan cadow u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

Faa’iidooyinka uga muuqda dagaalkan:

  1. Mustafe wuxuu dagaalkan uga faa’idaysan karaa inuu ku shabbadeeyo Alshabaabnimo cid kasta oo uu arko cadow siyaasadeed. Waxaa gaar ahaan mudan in la xuso, in Mustafe ay suurogal tahay inuu dad badan oo kasoo jeeda beelo uu u arko nacab siyaasadeed la xiriiriyo hawlgalladan. Shabaabka aan beeshiisa ahayn waxay noqon doonaan kuwo la halaago waayo shababka oo ayaa iyagaba dhinacooda ka layn doona qabiilada kale , taasina waa tan cabsida leh oo shabaabka iyo Mustafe waa isku ujeeddo waqtigaan goortey kala furtaan ha lagaaree.
  2. Laftagareen horaba waxaa Xamar uga bilaabatay Mucaaradad xoog leh oo ay hogaaminayaan Shariif Xasan iyo Jawaari oo uu u diiday doorashada isagoo isku halleynayey Fahad iyo Farmajo inay soo noqonayaan oo aan gefkiisa lagala xisaabtami doonin. Laftagareen waxaa khasab ku noqon doonta inuu helo meel uu ku dhuunto sida in ciidanka Itoobiya la daandaasado si ay gudaha u soo galaan  ama uu doorto tan ugu xun oo ah inuu ku biiro Xarakada Alshabaab.
  3. Fahad Yasiin iyo Kulane jiis oo dagaalkan uu u keenay inay kashifmaan ayaa waxaa dhici karta inay xaaladda ku adkaato oo Itoobiya lagu xero haddii ay tagaan waayo sirdoonka Itoobiya waxay ogaadeen in xaalka uu yahay mid ay si xoog ah uga muuqdaan farahooda, beenna ay Itoobiya u sheegayeen.

Dowladda Turkiga waxaa la gudboon inay dalkeeda ka soo erido Fahad Yaasiin si loo horgeeyo cadaallada uu ka baxsanayo ee Somaliya laga raadinayo. Turkiga waa dal wanaagga umadda Somaliyeed Jecel loogana abaal hayo, waxaana looga fadhiyaa inay Fahad soo erido sida ay u rabto dalalka Nato ku soo biiraya  e waqooyiga Yurub  sida Swidhen iyo Finlad ay marka hore u soo wareejiyaan dadka ay iyada dabajoogto ee dembiyada ku eedeysan ee dadkeeda ah.