Nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Cumar Nuur Bacuuli ayaa lagu dhaawacay Dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan dad ku dhawaa goobta weerarka ka dhacay. Nabadoon Cumar Nuur Bacuuli ayaa ka tirsanaa nabadoonada beesha Shiikhaal, waxaana lagu toogtay xaafada Al-Aqsa ee degmada Wadajir.
Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa si xun u toogtay Nabadoonka oo maalin ka hor ka soo laabtay dalka Sacuudiga oo uu ku soo gutay acmaasha cimrada. Dhaawaca Nabadoonka ayaa loola cararay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho oo lagula tacaalayo, iyadoo wararka qaar sheegayaan inuu dhaawaiciisu yahay mid halis ah.
Ciidamada amaanka Dowlada Federaal ayaa ku baxay goobta uu weerarka ka dhacay hase ahaatee kuma guuleysan iney gacanta ku dhigaan kooxihii ka dambeeyey oo goor horeba baxsaday.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay weerarka lagu qaaday nabadoonka, hay’adaha amaankana kama aysan hadlin dhacdadaas.