Waxaa is weydiin mudan qaraxyadii maanta dhacay sideebey ku suurta gashay in ay soo maraan waddooyin u xiran ciidamda NISA iyo Booliska Gobolka Banaadir? Waddooyinka ay soo mareen baabuurta siday qaraxa marnaba suuragal ma noqon karto in ay si sahal ah ku soo maraan. Yaa u fududeeyay in ay soo dhaafaan baraha koontaroolka?
Waxaa inta kasii daran sida degdegta ah ee Fahad Yasin uu u sheegay in ay gacanta ku dhigeen labadii nin ee hoggaaminayay qaraxyada. Waxaa la ogsoon yahay marka uu qarax dhaco, dadka waa sasaan oo waxaa qof walba ku dhaca cabsi wuxuuna qof walba u orde halka uu is leeyahay armaad ku badbaadaa. Yaa soo qabtay labada qof maxaase caddeyn ah oo lagu hayaa.
Barta uu qaraxa koowaad ka dhacay waxaa ku xiran kaamarooyin, ahayn gaar ahaan barta laga ilaaliyo Villa Soomaaliya iyo go’aanka deg dega ah ee NISA ku sheegtay in la qabtay labo ka mid ah raggii hogaaminayay qaraxaas taas oo suganaanshaheeda aan weli cadeyn karin.
Warbixina soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxyadan kaalin ku lahaayan rag ka tirsan NISA marka la eego dhinacyada kala duwan ee suuragal ka dhigi kara qarax noocaan oo kale ah inuu ka dhaco nawaaxiga Madaxtooyada.
Diblomaasiyiinta iyo Saraakiisha reer Galbeedka Xalane fadhiya waxay haystaan war ka duwan midka Federaalka la soo boodaysa hase yeeshe si cad ugama dhawaaqi karaan maadama xilli hore tahay baaritaan kala duwan ay socdaan.
Baarlamaanka Federaalka Guddigiisa amniga iyo guud ahaan ayaa looga baahan yahay in fadhiga Golaha laga waco Taliyaha KMG ah ee NISA Fahad Yaasiin oo nin awood badan ku leh Xukuumadda iyo Nidaamka uu hogaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
NISA iyo Shabaabka way isku dhex qasan yihiin sidaas darteed shaki badan ayaa laga qaba aaminaadka warka NISA ka soo baxay kadib qaraxii maanta.
Inta badan cid baaritaan rasmi ah ku sameysa ma laha qaraxyada ka dhaca Muqdisho sidoo kalena cid baarta ma laha xiriirka ka dhaxeeya xubno NISA ka tirsan, Saraakiisha laamaha amniga, Xildhibaano, shaqaale sare oo Dowladda ka tirsan iyo Al Shabaab, qarax kasta oo dhaca maalinta xigta waa la iska ilaabaa waana mida sababta u ah isla xisaabtan la’aanta ka jirta Soomaaliya.