Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shalay markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa warbaahinta u sheegeen in 24 saac gudahood ciidanka NISA ay gacanta ku dhigeen Kunteenarkii labaad oo ay ka buxaan agab iyo saanad ciidan oo ku socday kooxda Al-shabaab.
“Maanta waxaa u suuragashay ciidanka Sirdoonka Qaranka iney qabtaan konteenarkii labaad oo waxyaabaha ku jira ka mid yihiin diyaarado doroniska ah, qalab gawaarida ku shaqeeyo, koofiyadaha aan xabad karin, rimuudka qaraxa iyo waxyaabo kale” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xagaa.
Su’aalo badan ayaa u baahan oo aan jawaab loo haynin ayaa jira? Dowlada Soomaaliya ayaan wali cadeynin in ay gacanta ku dhigeen cida soo dajisay? qaabka lagu soo dajiyay iyo mas’uuliyiintii fududeysan in qalabkaa ka soo dego dekada magaalada Muqdisho?
Ilamaa la soo qabto ama la soo xiro mas’uuliyiintii fududeeysay inay agabka noocaan ah ka soo dagaan dekada magalaada Muqdisho, umadda Soomaaliyeed waxa ay qabi doonaan shaki weyn? waxaa nasiib xumo ah in ilaa iyo hada ayan jirin dad loo xiray soo dajinta agabkaas?. Sidoo kale waxaa cad in agabka noocaan ah uu horay uga soo dagi jiray dekada magalaada Muqdisho.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir Xagaa in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-shabaab oo uu xusay in haatan intiisa badan in lagu guuleystay.
Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay sidaan oo kale ku qabteen Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday dagaalamayaasha Al-Shabaab.