Sida MOL hore idiinku soo gudbisay isla markaana ka soo xigatay ilo wareedyo ku dhow wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo dunida iska wareegaya waxaa uu Farmaajo ku amray inaysan Somaliya ka horjoogsan Kenya inay hogaamiso kooxdaan la socodka ilaaladda Badda Somaliya ee Contact Group taas oo Kenya loogu codeeyey inay hogaamiso labada sano ee soo scota kooxdaas.
Axmad Ciise Cawad oo la hadlay qaar ka mid saaxibadiisa ayaa xaqiijiyay in go’aanka Kenya loogu codeeyay laguna siiyay codkii Soomaaliya uu raali ka ahaa Madaxweyne Farmaajo. Cawad ayaa yiri “dhowr asbuuc ka hor ayaan u sheegay arintaan Farmaajo, waxuuna igu amray inay Soomaaliya ka aamusto oo loo daayo codka dalka Kenya”.
Arrinkaana waxaa ka soo shaqeeyey Abdisiciid Muuse oo ah la taliyaha MW Farmajo isagoo daneynaya inay isku dhacaan isaga iyo Axmed Cawad oo beryahan u batay dhinaca kheyre. Sidoo kale waxaa Cabdisiciid kala shaqeeyey arrimahan Alexander Rondos oo EU-da u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika.
Kooxahan la socodka umuuraha Somalida “Contact Groups” waxay a soo bilowdeen xilligii uu dalka ku meel gaarka ku jiray hasa yeeshee waxaa dhammaantoodba tirtirtay dowladdii MW Xasan Sheekh, taas oo diiday in arrinaha Soomaalida loo daba fadhiisto cid kale talada Somalidana ay ka go’do madaxda Soomaalida oo kaliya, waana ku guuleysatay oo wax waliba waxaa lagala xaajoonayey madaxda dalka.
Hasa yeeshee waxaa nasiib xummo ah in la soo wada nooleeyey, kuwa cusubna lagu daray markii uu Farmajo talada la wareegay. Hay’adahaan dhamaantood waxay u shaqeeyaan dalalkooda waxayna la wareegaan lacagaha deeqaha ee dalka la siiyo si ay iyaga ugu isticmaalaan kharash ahaan.
Waxaa kaloo ay waqtigaan dowladda Somaliyeed abuurtay kuwa cusub oo bixiya qandaraasyada Kallumeysiga, kuwa hadda loo wado shidaalka la xaraashayo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya aya safarro aan kala go’ lahayn ugu jirtaa sidii Somaliya loo go’doomin lahaa. Arrintaan ilaalinta xeebaha iyo burcad badeedkana waxay qeyb ka tahay sidii Kenya ay awood gorgortan iyo waliba mid handaad ay ugu yeelan lahayd dowladda Somaliya.
Sidoo kale waxaa dib loo soo noleyey kooxdii siyaasadda ee Contact Group waxaana laga dhaadhiciyey dowladda Farmaajo in loo xilsaaray ururka OIC oo sida la wada xusuusan yahay shirkiisa Muqdisho lagu qabtay.
Arrimamahan oo dhan waxay muujinayaan in dowladda ay ka tanasushay qeyb ka mid ah dowlad-nimandeenna oo waxaa shirarka qaar loo diraa wasiirro aan la socon waxa socdaa iyo qorshaha qarsoon ee kooxahan la socodka (Contact Group) loogu yeeray, waxayan wasiirada iska saxeexaan wixii ay kooxahaas ula yimaadaan habeen iyo sahayda safarkooda waa iska qataan.
Go’doominta Somaaliya ee Kenya ay waddo waxay salka ku haysaa dawadda maxkamadda cadaaladda ee ICJ oo hadda joogto meel dowaladnimo kaliya wax looga qaban karo oo haddii ay dowladda Somaliyeed ka aamusto, fudueysato ama ku tala gasho inay ka caga jiiddo waxay ku dhammaan kartaa fashil ama in gadaal loo dhigo muddo dheer, iyadoo Kenya iyo Norway ay hawshooda shidaal qodis ay iska wataan.