Yaa ka danbeeyay dilka Sumaya sidee wax u dhaceen (Faah Faahin)

Reading Time: 2 minutes

SUMAYA IYADOO AAKHIRO JIRTO AYAA LA FILAYAA IN LOO SOO DHEJIYO IMTIXAANKEEDII DUGSIGA SARE EE DOWLADA

Shalay 27/6/2019, markii la kufsaday ka dib ayaa la dilay.

• Waa Tuma Sumayo Yusuf Barkhadle?

Sumayo Yusuf Barkhadle (Suleeqa) waa 28 sano jir ku dhalatay, kuna soo barbaartay Magaalada Muqdisho, daganeyd Xaafadda Shiirkole Degmada Howlwadaag

Dabeecad ahaan, qof si fiican u yaqaanay ayaa ii sheegay inay ahayd Gabar wanaagsan oo dadka ixtiraami jirtay.

• Caruurteeda Waa Imisa?

Sumayo 4 cunug oo midka ugu weyn uu jiro 13 sano ayaa u jooga, Aabahood horay ayaa loo diley Alla Ya Raxma.

Caruurta dhammaantood Dugsi Qu’raan ayey ku jiraan, midka ugu weyn ayaana iskuul dhigta.

• Sanadkaan Ayey Dhameeysay

Ardaydii ka qalan jabisay sanadkaan 2019 iskuulka Tayo ee Baar Ubax ayey ka mid ahayd waxaa weli loo soo Dhejin Imtixaankii Dowladda

Marxuumad Sumaya Jaamacad ayey isku diyaarineysay mar dhow, gaar ahaan Jaamacada Simad.

• Waala Kufsaday Sumayo

Hotel Ku yaal agagaarka aar Ubax Banaankiisa hore ayaa la soo dhigay Sumayo oo Meyd ah, walibana la kufsaday.

Jirkeeda xagtiin iyo Dharbaaxyo ayaa ka muuqday. Dharkeedana wuu jeexjeexnaa.

• Sidee Wax U Dhaceen

Nin baa aad u jeclaa oo ku riixayey in ay is guursadaan waa diidey waxayna ku tiri aniga Waxbarashadeyda iyo Caruurta wax Barashadoodaa ku Mashquulsanahay Guur Diyaar uma ahi

Markii ugu horeeysay oo ay kulmaan ayey ahayd. Sumayo ayaa wiil qaraabo yihiin wacday shalay 5 ta galabnimo , ayadoo ka codsatay inuu ciyaalka u sii ilaaliyo.

Wiilka qaraabada ahaayeen wey u sheegtay inuu jiro wiil ay xiriir leeyihiin oo ay ku balameen Hotelka

Hal saac iyo bar Habeenimo ayey baxday, Balanka wuxuu ahaa in ay Maqaayada Shaah ku cabaan oo aayahooda ka hadlaan

• Kadib Maxaa Dhacay?

Inkastoo aan la ogeen waxa dhacay laakin Sumayo walaalkeed oo murugeysan ayaan daqiiqado yar la igu soo xiray ,Wuxui ii sheegay in Gabadha aysan waligeed hotel galin.

Laakin ay dhici karto inuu caqliga ka xaday ama uu wax ku duray. Kadibna Hotelka ayuu ku kufsaday

• Sidee Ayuu U Dilay Sumayo

Qof katirsan Hey’adda CID-da ayaa ii sheegayin uu weli socdo Baaritaan

• Meydka Sumayo

Waqtigaan Meydka Sumayo wuxuu yaalaa xarunta dambi Baarista CID-da, waxaa la filaya Baaritaan kale loo celiyo

Qoyskeeda iyo caruurtii Hooyada u ahayd ayaa ka naxsan Geerida iyo kufsiga lagula kacay Walaasheen Sumayo Yusuf oo la aasi doono maalmo kadib.

Ciidamada dowladda ayaa xiray Maamulka Hotelka iyo qaar ka tirsan shaqaalaha. Kiiskana waxaa la wareegay CID.

Qofka looga Shakisan yahay wali lama hayo sawiro Telkeeda ku jiray ayaa la helay oo looga shakisan yahay inuu isaga yahay kan gabadha sidaan u galay.

• Maxey Ku Hamineeysay

Wuxuu ii sheegay qof iskuulka ay iskala qalan jabiyeen sanadkaan inuu Sumayo ka hayo hadalkaan…

“Si kasto oo aan wax u barto waxaan rabaa caruurtaan Agoonta ah inaan hormar gaarsiiyo. Iyagaan u noolahay”

Sumayo waxay korineeysay caruur da’ yar oo ay dhashay. Caawa ilmahaas waa Aabo iyo Hooyo la’aan.

• Waajib Ayey Kugu Tahay

Fadlan lawadaag asaxaabtaada si Gabdho kale aysan dabinkaan
ugu dhicin dhacdadaan.

U duceey Sumayo in Alle Janada kawaraabi

Xigasho: Idris Abdulkadir.