Yaa ka danbeeyay dilka Siyaasiga caan ahaa ee xalay lagu dilay Muqdisho?

Reading Time: < 1 minute

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ku dishay nin kamid ahaa ragii u soo tartamay xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sebriye oo ku Magac dheeraa Guuleyste waxa uu u tartamay kursiga Hop#33 ee uu kusoo baxay Xildhibaan Yuusuf Kabaale.

Saddex dhalinyara ah oo bistiilado wadata ayaa la sheegay in marxuum Guuleyste ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka xili uu ku sugnaa Waaxda Tima Cade ee degmadaasi Wadajir, wuxuuma xiligaasi ka soo baxay Masjid uu kusoo tukaday salaadii cishaha.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay dilka marxuunka waxaase la qiyaasayaa in uu ahaa mid ay ka danbeeeyeen ururka argagaxisada ee Al Shabaab.

Ciidamadda amaanka ayaa daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, iyadoo laamaha amaanka ay ku guul dareysteen iney gacanta kusoo dhigaan danbiilayaashii dilkaasi toogashada ah geystay.