Yaa ka danbeeyay dilka Cabdiraxmaan Cali oo xalay lagu dilay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay ku dilay xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid wiil  dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana falkan dilka ah aad uga naxay dadkii aadka u yaqaanay marxuumka.

Gooboojagyaal ayaa ku waramay in kooxo ku hubeeysan bistoolado ay toogteen Cabdiraxmaan Cali Maxamuud xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku soo dukaday salada taraawiixda, waxaana dilka kaddib goobta isaga cararay kooxdii dilka geestay.

Ciidamo katirsan booliiska dowlada iyo nabad sugida ee ka howlgala degmada Yaqshiid ayaa dilka kaddib soo gaaray goobtii uu dilka ka dhacay, lamana sheegin cidaya  ciidamada usoo qabteen falkan dilka ah ee  xalay dhacay.

Ninkan dhallinyarada ah ee xalay lagu dilay  Muqdisho ayaa kamid ahaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Umadda ka qalin jabiyay, waxa ayna eheladiisa iyo asxaabtiisa sheegeen in uu ahaa nin aad u fir fircoon oon wax shaqo ah ku laheyn siyaasad iyo arrimo dowladeed.

Dilka ayaa caawa dhacaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah booliis sida milatari u tababaran, ciidankan ayaana ka howl bilaabay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.