Sida ay sheegeen dad lagu kalsoon yahay koox hubeysan ayaa deegaanka cadoow Uul waxay ku dileen Nabadoonkii beesha cabdalla caroone ee Abgaal Marxuum Mukhtaar Axmed Xasan. Maalmihii lasoo dhaafay deegaankaasi waxaa ka jiray dagaal beeleed,waxaana marxuumka la dilay la sheegay in waan waanta colaadaasi uu ujoogay halkaasi.
Xiisad ka dhalatay dilka Nabadoonka ayaa laga dareemayaa deegaanka,iyadoo beesha uu ka dhashay ay dhaq dhaqaaqyo wadaan xilli xaaladu weli cakiran tahay. Ilaa iyo hada ma jito cid si toos ah u sheegatay dilka Nabadoonka balse waxaa lagu tuhmayaan in loo dilay aano qabiil.
Dhanka kale Gudoomiyaha Degmada Cadale Korneel Muuse Maxamed Kali ayaa la sheegay in dhaawac loo geystay inkastoo xaaladiisa ay yara fiican tahay sida ay sheegeen dad la jooga dhaawaciisa.
Colaada deegaanka cadoow uul ayaa weli xal rasmi ah laga gaarin,iyadoo dhawaan duubabka dhaqanka ay sheegeen in waan waanta lagu guuleystay oo heshiis la gaaray balse hadda dib ayey xiisad ka abuurantay kadib dilka Nabadoon Mukhtaar Axmed galabta loo geystay.
Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlada Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed oo maanta gacan ka xaqdaran ay ku dishay deegaanka Cadow-uul ee hoostimaada degmada cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee marxuumka uu kaalin mug leh kasoo qaatay dowlad dhiskii Hirshabeelle wax badana kasoo shaqeeyay Nabad ku wada noolaanshaha Bulshada iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar ayaa geeriyooday xilli uu ku howlanaa kala qaadista maleeshiyaad iyo nabadeynta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano hoosyimaada degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada isagoo geeriyooday xilli uu ka shaqeynayay nabadeynta beelo walaalo ah.” Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday