Yaa ka Danbeeyay Abaabulka iyo Fulinta in la Weeraro Cabdiraxman Cabdishakur, laguna laayey Ilaaladiisa?  Warbixin koban

Reading Time: 3 minutes

Xog ay heshay Muqdisho Online, ayaa sheegaysa in abaabulka dhibaatada xalay dhacday laguna laayey dad masaakiin ah ay laahaayeen Agaasimaha Madaxtooyada  Fahad Yasin Xaaji Daahir iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tabit Cabdi Maxamed iyagoo kaashanaya Axmed Cali Dahir iyo Jamal Xasan Wasiirka Qorsheynta.

MO waxay ogaatay in gaasimaha iyo Gudoomiyaha ay aad uga carooday, kadib uu madaxweyne Farmajo u sheegay inay qorsheynayaan inay wadahal la galayaan kooxaha mucaaridka si dalka loo badbaadiyo. Farmaajo waxaa uu  ku waregeliyey inaysan wadahadlkaas ka qeyb geli doonin Xasan Cali kheyre, Fahad iyo Tabit oo ah sida ay codsadeen kooxda hogaamineysa Mucaaridka. Madaxweyne oo Farmajo oo telefoonno kula hadlay madaxdii hore ee dalka waxaa lagula taliyey inuu maamulka ka dhigo mid la wada leeyahay si loo wada difaaca, dalkana uu ka qabto ciyaalkan qawleysatada ah.

Haddaba Fahad iyo Tabit iyagoo ka careysan arrintaan waxay bilaabeen inay ugaarsadaan kooxaha diidan hannaanka ay hadda wax u socdaan ee Xamar jooga, xildhibaanada xasaanadda looga qaado si jeel loogu guro amaba loo khaarijyo. Tan oo ah in la abuuro caro iyo dareen xasaasi ah, kadibna la qabiileeyo. Haddaba  Ujeedka soo qabashada iyo xiritaanka Cabdiraxman Cabdishakur waxaa uu ahaa  in la baacsado beelaha Xamar degan oo uu Fahad Yasin u arkay in ay Khatar ku yihiin kursiga uu isu haysto inuu milkiilaha ka yahay ee Maxamed Farmaajo.

RW Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Amniga Axmed Islow Ducaale ayaanan waxba kala socon qorshaha xalay lagu weeraray Cabdiraxman waxaana ay ka ogaadeen baraha bulshada in la weeraray Cabdiraxman Cabdishakur. Wasiirka Aminiga waxaa laga soo weriyey inuu yiri waxani waa qorsho aan la isla ogeyn, sidoo Kale Jaamac oo ah ku simaha Agaasinka NISA ayaa ka cagajiiday arrintaas waxaasa loo ballanqaaday inay mas’uuliyadda qaadanayaa Fahad, Axmed Cali Dahir  iyo Tabit

Muqdisho Online oo dabagal ku samaysay sida uu Weerarkaasi  bahalnimada ah oo ay dawladi dadkeeda kula kacdo uu u dhacay, ayaan ku ogaanay in weerarkaasi shalay galab lagu diyaariyay Xarunta Nabadsugidda Gobalka Banaadir oo ah halka loo yaqaan Godka Jilacoow, ayna wada agaasimeen Jaamac, kadib markii uu helay ballanqaadka Fahad Yasin,  oo ah Ku Simaha Taliyaha NISA iyo Saadaq Joon oo ah Taliyaha NISA ee Gobalka Banaadir oo amar ka haysta Fahad Yaasiin iyo Taabid Cabdi.

Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo aad u hubaysan ayaa lagu diyaariyay  Godka Jilacoow, loomana sheegin halka ay u socdaan iyo waxay qabanayaan intii ay socotay Qabanqaabaddu, Waxaana ka war hayay Weerarka oo kaliya Saraakiil kooban oo loo qorsheeyay Howlgalka inay hor kacaan, iyadoo 30 daqiiqo ka hor inta aan la dhaqaaqin dhamaan Askarta laga qaaday Taleefoonaddii Gacanta, loona sheegay waxay qabanayaan iyo siday u wajahayaan.

Weerarka waxaa dhinaca logistikada kaga qeyb qaatay Gaambe oo ah ninka maamula Hoteel Jazeera.

Ciidamadan oo amar ku qabay inay dili karaan cid kasta oo Guriga ku jirta  haddii loo baahdo ayaa waxay isku gadaameen Guriga Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, waxaana kadib ay istaageen Albaabka Guriga, iyagoo ku amray Waardiyaha Guriga inay furaan Albaabka, balse Waardiyuhu waxa uu wargaliyay C/raxmaan C/shakuur inay taagan yihiin Ciidamo NISA ka tirsan, isna wuxuu amray in laga furo, waxaana u soo istaagay Barxadda Guriga, si uu ogaado waxay  u socdaan, kadibna waxay u sheegeen inuu xiran yahay oo uu fuulo Gaadiidka ay wataan.

C/raxmaan waxa uu waydiistay Ciidanka inay tusaan Warqad Maxkamadeed oo fasaxaysa soo qabashadiisa, Waxaana ay u sheegeen inaysan Warqadba aqoon ee ay tahay inuu fuulo Gaadiidkooda.  Intii ay socotay Doodu ayeey mar qura Ciidanka NISA mid mid u toogteen Illaaladii C/raxmaan oo aan dagaalamin, iyagoo markii horaba sii qorsheeyay oo mid kasta oo Illaaladda ka mida ku aadiyay 5 Askari oo qabay Amarka ah inay toogtaan, kadibna waxaa sidaas si la mid ah rasaas toos loogu furay C/raxmaan-ka laftigiisa, iyadoona rasaastaasi uu ka soo gaaray dhaawac, waxaana ku dhintay Labo Gacan yarayaashiisa ah. Cabdiraxman iyo Xildhiban ayaa ku gabaday gidaar oo gacanta uga xeray shaarkiisa dhiig ka daadanayey darted.

Ciidanka NISA waxay kadib wateen C/raxmaan C/shakuur oo dhiig baxaya, waxayna iyaga oo aan u fidin adeeg Caafimaad geeyeen Xarunta Godka Jilacoow, halkaas oo cabbaar kadib looga qaaday Gaariga Ku Simaha Taliyaha, Jaamac oo la aaday Xarunta Habar Khadiijo, Waxaana la galiyay qaybta hoose ee dhismahaasi, gaar ahaan Qolkii uu ku xirnaa Xasan Daahir Aways.

Wararka waxay sheegayaan in xaaladda Caafimaad ee C/raxmaan C/shakuur hadda laga sheegayaa aysan khater ahayn, balse inay si dhakhsa u soo xumaan karto maadama uusan helin Daryeel Caafimaad.

Xildhibaanda beesha uu ka dhashay Cabdiraxman oo Xalay u tagay madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegayaa uu soo eryey waxaanu u sheegay in sharciga la marsiin doono siyaasigan. Mid kamid  ah xildhibaanada ayaa ku yiri Farmaajow dagaal ayaa iclaamisay waxaad ka hesho ayaadsa leedahay.

Xamar oo ay caawa cabsi badani ka jirto waxaa socda shirar muhiim ah, walow uu jiray amar aan sharciyad ku fadhiyin oo uu soo saaray wasiirka Aminiga oo ahaa inaan la shiri Karin, la isu iman Karin sidii inuu dalka markale  ka dhacay Afgambigii labaad.

Abaabulayaasha dhibaatadan, Fahad iyo Tabit  waxay aad uga caroodeen in mucaaridka lala hadlo oo dalka laga badbaadiyo xaaladda khaterta ay geliyeen, waana waxa waxa hadda keenay in la isticmaalo nidaamkii  laga bartay Maxamed Siyaad iyo qodobada uu isticmaalay xeer ilaaliyaha, aan wali la marsiin barlamanka,  waa kuwii laga soo guuriyey buugaagtii caburinta bulshada ee Maxamed Siyaad.

Ku texnaaw Muqdisho Online Saaxiibkaana gaarsii waxay si aan caadifadi ku jirin u dabajoogi doontaa waxyaabaha dalkaaga ka socda.

Xageed ku ogtahay caawa caruurtaada?