Waxa la filayaa in maanta oo Sabti ah baalamaanku dib u furmo ka dabid markii Arbacadii lasoo dhaafay, kulan ay xildhibaannada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho uu baaqday Kooram la’aan. Inkasta oo ayan jirin cid farta si toos ah loogu fini karo sababaha keenay in Kooram la waayo hadana waxa muuqato in RW Kheyre iyo kooxda taageersan ay doonayaa in Barlaamaanka albaabada loo xiro. Ma aha dareen uu qarsado RW Kheyre in uu jeclaan lahaa in Baarlamanka noqdo mid howl gab ah si aan isaga loola xisaabtamin.
Kulanka maanta hade la helo kooram buuxaayaa looga hadli doonaa arrimaha xeer-hoosaadka golaha, kadib markii wax ka bedal lagu sameeyey.
Waxaa la filyaa gudiga arimaha dibadda ee baarlamaka oo ku maqnaa saminaar uga socday dalka Kenya in ay ayagana dalka dib ugu soo laabtaan. Gudooomiye Mursal ayaa ay u tahay tijaabo in la qiimeeyo in isku hayn karo baarlamaanka iyo inkale.