Yaa ka dambeeyay iibinta kawaanka kalluunka ee Liido Gudoomiye Yariisoow oo Dabin loo Dhigay Iyo RW-Kheeyre oo!!

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya MOL u xaqiijiyay in ujeedka laga lahaa iibinta kawaanka Malaayga ee Liido uu aha qorshe uu dagay RW Kheyre una adeegsaday fulintiisa Gud. Gobolka Banaadir Eng. Yariisow, qorshaha aya ah sidii shacabka Muqdisho iyo Madaxweyne Farmaajo la isaga hor keeni lahaa.

Shalay banaanbaxyo waa weeyn ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaasi oo looga soo horjeeday iibsiga kawaankaasi Malaayga/Kalluunka,xogta aan helnay ayaa waxaa ay intaasi ku dareeysaa in  R/wasaare xassan cali kheeyre ciyaaray jooko cajiib ah oo lagu dilaacinaayo xariirka bulshada iyo madaxweynaha.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa shalay loo diray in uu tago kawaanka,waxaana arinkaasi ka dambeeyay R/wasaare Kheeyre oo markaasi tabeelle ka dhiganaayo Yariisoow.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana shaki ku jirin in R/wasaare xassan cali kheeyre Ciyaaraayo shaxdii shacabka lagugu diri lahaa taasi oo soo dedejin karto bixitaankaaga

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!