Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 November 2018 la isku dil ka badbaadey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo laga soo doortey Deegaanada hirshabeele, xildhibaanka ayaa waxaa gaarigiisa loogu xirey miino casri oo lagu hago remote control ama meel fog laga maamulo.
Qaraxa waxaa uu dhacay xildhibaan oo maraya wadada makka almukarama, kasoo horjeedka hotelada Makka iyo Kuwait.
Ayaamahan dambe waxaa jirey khilaafaad u dhaxeeyey ku-simaha Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yasiin iyo Xildhibaan Jeesow oo meel xun gaarey, khilaafaadka waxay ku saleysnaayeen arimo la xiriira aragtiyo iska soo xorjeeda.
Xildhibaan Dahir oo ka mid ahaa xildhibaanda sida xoogga dawladdaan u difaaca ayaa waxaa uu dareen adagi so kala dhex galay markii Ddekadda laga xeray wiil uu halkaas geystay. Dahir Amin oo kala harta lahayn ayaa durbaba bilaabay inuu Fahad oo isu haysta lama taabtaan inuu ka hadlo khaldaadkiisa.
Haddaba xogag soo baxayaa ayaa sheegaya in la aaminsan yahay in Fahad Yasin uu ka dambeeyo isku dayga dil ee lagu khaarijin rabey Xildhibaan Daahir Jeesow, dhanka kale Daahir Amiin Jeesow ayaa shaley ilaa xaley si weyn u soo dhoweeyey booqashadii Madaxweynihii Prof. Xasan Sheekh uu ku tagey Magaalada Kismaayo.
Tani waxay madax xanuun ku ridday kooxda Nabad iyo Nolol oo aaminsan inuu Dahir yahay qof af adag oo haddii uu dhanka kale ka soo jeesto, bilaabana inuu khaldaadka dawladda ifiyo ay u keeni karto dawladda u culeys ku biira cueysyada hasyata ee maamulxumo, hogaan xumo, siyaasad xumo iyo been aan loo kala harin.
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA ayaa waxaa ka socda Dhibaatooyinka iyo shirqoollo loo maleegayo mas’uuliyiin fara badan oo Dowladda ka tirsan oo waxaa bilowday hannaan diktatoornimo.
Sida waddamo badan lagu arkay hannaanka noocan waxaa uu ka billowday madaxda sare oo aadeegsada hay’adaha iyo kuwa sirdoonka, dadkana u dila xaalado ay iyagu rabaan, kadibna ka tacsiyadeeya oo ka qeybgala aaskooda. Xildhibaan Daahir waxay u egatahay inuu hadda waagu baryey oo noloshiisa ay khater ku jirto.