Yaa iibshay dhulka Kawaanka Hilibka ee siinaay? Zeynab Xaabseey mise Yarisoow? (Fadeexad)

Reading Time: < 1 minute

Dhulkii Kawaanka Hilibka ee degamada Wardheegley (Warta Nabadda) ee ku yaalay suuqa ganacsiga ee SIINAAY  ayaa waxaa laga iibshay dad ganacsato ah. Kawaanka Hilibka ayaa waxaa uu ka mid yahay Kawaanadii ay dhistay dowladii Siyad Barre.

Kawaanka  oo dhexdiisa u qaybsamo boossas ganacsi ayaa waxaa xiligii dowlada Siyaad Barre  waxaa  lagu bixiyay shatiyo ganacsi oo la siiyay dad ka ganacsada Hilibka. Dadkaas masaakiinta ah ayaa waxa ay ka bixin jireen kawaanka canshuur joogta. Waxa ay heystaan cadeeymo iyo shatiyo ay ku bixin jireen canshuurta iyo shatigii dowlada sida sharciga ah ku siisay.

Kawaanka ayaa ka kooban boosas kala go’go’an ama qaybo kala go’go’an oo ay kala leeyihiin dad ka badan kontomeeye qofood. Boosaska ayaa waxa nolol  maalmeedkooda ka heli jiray in ka badan 300 oo qofood.

Sida ay sheegeen ganacsadata laga iibiyay dhulka uu Kawaanka ku fadhiyo  ayaa sheegay in ay dhulka  iibsadeen. Markii la waydiiyay in ay cadeeyaan cida ay ka iibsadeen ayaa ay  diideen in magacabaan laakiin waxa ay farta ku fiiqeen maamulka Gobolka iyo Degamada Warta Nabadda.

Hadaba waxa nasiib xuma ah in hogaankii Gobolka Banadir iyo kan degmada ay ka iibiyaan dhul sharci loo heysto oo ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo canshuur ka bixiyaan. Ganacsatad dhulka laga iibshay ayaa loogu digay in ay dhulkaas dhistaan madaama dhulkaas ay si sharci ah u leeyihiin dad Soomaaliyed. Dhanka kale waxa  lama huraan ah in Eng Yarisow uu soo cadeeyo in uu dhulka isaga iibsaday iyo  in Gudoomiyaha Degamada Wardhiigleey Iibsatay?