Yaa Goob Joog ka Noqon Doona Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee ku aadan Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaas oo goor dhow ka bilaaban doonta xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka, waxaana socda diyaar Garowgii ugu dambeeyay.

Doorashadaan waxaa goobjoog ka ah Guddoomiyaha Maxakadama Sare Ibaarhim Iidle Sameebaan, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, iyo xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka.