Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada oo lagu casuumay shirka Wadatashiga Qaran ee la doonayo in uu ka furmo magalaada Muqdisho ayaa gabi ahaanba loo diiyay inay ka soo qayb galaan Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada iyo Musharaxiinta Madaxa Banaan.
Si wax looga badalo habraaca doorashada loona turxaan bixiyo doorashada waa lama huraan in dhamaan Saamilayda siyaasadda dalka qayb ka noqdaan shirkaas. Hadii kale shirkaas waxa uu noqonayaa shir lagu xalaaleeysto boobka doorashada ka socota dowlad gobaleedyada.
Labada Dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa gabi ahaanba ka horyimid in shirka loo furo saamileyda siyaasada iyaga oo ka baqaya in la turxaan bixiyo ariaha doorashooyinka.
Dhanka kale, Rooble oo markii hore u balan qaaday Midowga Musharaxiinta inay qayb ka noqonayaan shirka ayaa hada sheegaya inay adag tahay in Midowga Musharaxiinta soo fariistaan shirka talana ku yeeshaan geedi socodka Shirka. Arintaan ayaana noqoneysa balan ka bax uu sameeyay Rooble!