Yaa dhalay Shabaab, Yaasa Asaasay Macawisley? Muxuusa MW Xasan Sheekh u Go’ansaday la dagaalkooda.

Reading Time: 2 minutes

Damiirka waxaa hogaamiya diinta iyo dareenka qofka kadib markii uu kala garto in xumaanna laga soo horjeesto wanaaggana loo kaalmeeyo. Muddo afar sano laga joogo ayaa dad nolshooda ku haysta baadiyaha Aden Yabaal degaan ku yaalla ee Ła yiraahdno Guullane waxay shabaab gaarsiiyey inay ula dhaqmaan sidii inay yihiin codow, kitaabkana uu u banneynayo inay wax kasta kula dhaqmaan, dhacaan, furtaan, dilaan, haweenka iyo caruurta ka kaxeystaan.

Runtii dad diin loo nisbeynayo inay Islaam tahay  lagama filan karo waxyaabaha ay dadkaan la kulmeen, kuwaas oo la hubo inay dalka dhammaan ay shabaab ka sameeyaan, laakiin ay dadkaan go’aansadeen inaysan intaas ka badan u dulqaadan Karin waxa lagula kaco. Waad jiriricooneysaa marka aad dhageysatid hadallada sida daacadda ah oo aan wax siyaasad ahi ku jirin ee dadkaan u hadlayaan. Waxyaabaha qalbi xanuunka leh waxaa ka mid ah:

1.     In beerahooda, Xoolahodda iyo dhammaan agabkooda nololeed la cashuri jiray raallina ay ku ahaayeen, kooxdii diidana la dili jiray.

2.     In Markii xoolihii iyo Maalkii zako ahaan looga qaatay waxaa lagu khasbay inay wiilashooda iyo gabdhahooda 8 jirrada ah zako looga qaado, dib dambana aysan u arag.

3.     In Xaasaskooda laga xareysto galabtii 5ta galabnimo (11 saac marqibka ka hor) lana soo daayo saaladda Subax ka dib, iyadoo loo sheego ninka iyo caruurta in wax la soo barayey, lama oga waxa la soo barayey ma diinbaa misa falfalxumo lama yaqaanno waayo guryaha markey haweenka ku soo noqdaan ma hadli karaan oo caddey hadlaaan waa loo goodiyey, diin u kordhayna ma muuqdo ayuu yiri nin la wereystay.

Haddaba xaalkuu markuu halkaas marayo ee ilamhaaga oo 8 jir ah aad ruux kale ku wareejiso sida xoole oo kale ama xaaskaaga uu habeenkii oo dhan  kaa soo haysto ayaa dadku waxay gaareen Gabaygii Salaan Carabey ahaa  “ Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane… Nin dharbaaxo quudheed dugsaday, dhaqayaded maalye”. Markii la soo gaaray ayaa waxay dadkii degaanka oo uu horkacayey nin geesi ahaa oo shahiiday la oran jiray Hibaad Cali Dasar waxay sameysteen urur lagu magaacaabay Macawisley oo ah inaysan qabin dhar uniform ee qof waliba uu macawistiisa ku soo dagaal galo waana halka uu ka bilwoday halanka Macawisley ee maanta ku baahaya dalka oo dhan.

MW Xasan sheekh Maxamuud Markii muuqaalkaas oo la soo bandhigay 4 sano ka hor ayuu go’aansaday in shabaab uu dalka ka cirib tiro haddii uu talada ku soo noqdo, rabbina waxaa ku guuleeyey inuu soo noqdo, waana kan hadda ka dhabeeyey ballanqadkaas. Dowladdii Farmajo dhegaha ayey ka fureysatay codsiga iyo cabashada Macawisley sidii hawlo badan oo dalka u baahnaa ay dhegaha uga fureysan jirtay 5tii sano ee ay jirtay.

Waxaan talo ahaan MW ugu soo jiidineynaa si cid kasta oo halgan umadeed ka qeyb qaadataa loo aqoonsado dadaalkeeda in halgankaan loo bixiyo “Halgankii Macawisley iyo Hibaad Cali.”

Su’aasha dhabta ahi waa yaa dhalay shabaab? Sheekh Cabdiraxman Bashiir ayaa si cad uga jawaabay wuxuu sheegay in shabaab wadaad uu dhalay, oo aan la inkiri karin in lagu subay feker xag jir ah, Melina ay joogaan culimadii ku shubtay iyagoon ka towbad keenin. Halkaan ka daawo sidii loo asaasay Macawisley iyo Jawaabta Shabaab yaa dhalay.