Yaa Baal Maray Xeerarka Diblomasiyadda Dowladdanada mise Wakiilka XG ee QM?

Reading Time: 2 minutes

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay ka go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax banaanida Soomaaliya.

Hasa yeeshe dawladda lafteeda ayaa iwaxay baal martay hannaankii caalamiga ahaa ee ay ahayd inay raacdo:

  1. Waxay ahayd in marka hore loo yeero Wakiilka oo lala hadlo si af ah oo loogu muujinayo Wakiilka iyo xafiiskiisa waxa laga dacwoonayo ama ay dawladdu saluugsan tahay.
  2. Waxay ahayd loo qoro qoraalka la yiraahdo Note Verbale (Verbal note) oo loogu muujinayo waxa laga dacwoonayo ama ay dawladd saluugsan tahay.
  3. Marka seedexaad ayey ahayd in la sameeyo PNG ama eryidda Wakiilka.

Wareysi Wasiirka Arrimaha Dibadda uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in Mr Haysom uu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda, sidaas darteed uu gef weyn ku sameeyay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Wakiilka waxa uu hadlay inuu hadlo inuu fursad u helo ayaaba khalad ahayd oo waxa uu dhibsaday inay dawladdeenna dhibsato ayey ahayd, hasa yeeshee dowlad dadkeeda la celinayo oo waliba leh aan dilee maxaad iiga celineysaa waa doqonnimo hogaanka maanta dalka hayaa. Ogow mar waliba ninka ku dilaya kan kaa celiya ayaa kaa xiga. Maanta reer Beydhabo iyo cidkasta oo daneyneysa mustaqbalka dalka waxay dareemayaan in uu Wakiilka u hadlay dad ay dowladooda dulmisay.

“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya, wuxuu caay ku yahay dhaqanka UN-ka, wuxuuna gaf weyn ku sameeyay Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya”ayaa yiri Wasiir Cawad.

“Marar badan ayuu qaladaad sameeyay, warar uusan dowladda kala tashan oo uusan hubsan ayuu sheegay, wuxuu waraaq u qoray Wasiirka Amniga, isagoo ula hadlayo sida nin isaga ka tala qaato, waa loo shaqeeyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in aan Wakiilka laga rabin Soomaaliya, kana shaqeyn karin”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Nicholas Haysom ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay bishii September, waxaa uu xafiiska UNSOM joogay muddo afar bilood. Hadda waxaa uu ku sugan yahay xaruunta QM waxaana uu halkaas u joogaa inuu bixiyo warbixintii uu Wakiilka bixiyo afartii biloodba mar. Waxaa cad in dowladdu ay ka war heshay inay warbixintaas ku jiraan waxyaabo ay hubto inaysan dowladdaan jecleysan doonin waayo dowladdaan waxaan amaan ahayn waa dhibsataa.

Dhinaca kale waxay MOL arkeysay mucaaridka dalka oo dowladda Mareykanka ku eedenayo inay ka aamusan tahay arrimaha xasuuqa ah ee ka dhacay Baydhabo iyo xuquuqda dadka somaliyed. Dowladda Mareykanka waxay