Yaa Amray in Ciidamadii Horay Looga Ceeyriyay Golaha shacabka Laguso Celiyo??

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaannada ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay ciidamadii horey u joogay dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka maanta.

Tiradda ciidamada Booliska ah ee dib loogu soo celiyay xarunta ayaa dhan 114 askari oo boolis ah oo si gaar ah u ilaaliya xarunta Golaha iyo xildhibaannada

Waxaa amniga dhismaha baarlamaanka dhawaan kala wareegay ciidamo kale oo uu gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib marrkii maalintii shalay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xubnaha Golaha Shacabka.

Ciidamada la geeyay xarunta Golaha Shacabka ayaa buuq badan oo siyaasadeed ka dhax abuuray hay’addaha dowladda, waxaana ciidamadaa lagu eedeeyay in uu ka danbeeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.