Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Xusseen Maxamed faarax Caydiid ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada murugsan ee Maamulka galmudug,taasi oo uu ku tilmaamay mid aan wanaag laga rabin.
Xusseen Maxamed faarax Caydiid waxaa uu Madaxda ugu sareeysa dalka ugu baaqay in ay ogolaadaan fulinta qodobadii lagu heshiiyay gaar ahaan kuwii Garoowe lagu soo gaaray,kuwaasi oo ka fulin La’a Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka galmudug Axmed Ducaalle geelle xaaf ayuu sheegay in uu diyaar u yahay in xal wanaagsan laga gaaro khilaafka hase’yeeshee waxaa xusay in aan la rabin joogitaankiisa halkaasi.
Galmudug dhibka heeysto ayaa waxaa uu sheegay in uu yahay Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana aysan iyadu ogoleeyn hagaagsanaanta Maamulkaasi.
Siyaasiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo aysan rabin dhismaha maamul goboleedyada gaar ahaan galmudug