Xuska maalinta Macalinka oo Muqdisho lagu qabanayo

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo kale 21 Bisha November waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta Macalinka kaas oo bulshadda meel muhiim ah kaga jira.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo kamid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka jira munaasabaddu loogu talo galay macalinka.

Sidoo kale maanta oo kale waxaa lafasaxaa Iskuuladda, Jaamacadaha iyo Goobaha kale ee Waxbarashadda si ardayda loo dareensiiyo qiimaha uu macalinku leeyahay.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galaya Munaasabadda  loogu talo galay maalinta macalinka taas oo dunida oo dhan si-isku mid ah looga xusayo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!