Xuska Maalinta Ciidanka Somaliland oo laga xusay Laascaanood, iyaduu socdo shirka dhaqanka

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta xaflad balaaran oo lagu xusayay sanadguuridii 29aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Qaranka ee Somaliland lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiiro, taliyayaal ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somaliland. Xafladaan ayaa ku soo aaday iyada oo magalaada Laascaanood ay ku shirayaa Odoyaasha Dhaqanka ee deegaanka.

Ku qabashada xafladaas magaalada Laascaanooc ayaa waxa ay fartiin cad u diraysay dadka aaminsan in Laascaanood ayan ka mid ahaynin Somaliland. Waxa ay dhaawaca iyo niyad jab ku riday Garaadyada iyo odoyaasha qaar oo maalmihii u danbeeysay ku baaqayay in ay Laascaanood iyo guud ahaan Sool ay ka go’do Soomaliland.

Taliyaha Guud ee ciidanka Somaliland Janaraal Tani ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Qaranka ee Somaliland ayan marnaba ka baxaynin Gobolka Sool, ayana joogi doonaa halakaas iyaga oo gudanaya waajibaadkooda Qaran.