Xurguf iyo Kala Aragti Duwanaan So Kala Dhex Gashay Xildhibaanada Qas Wada Yaasha ah

Reading Time: < 1 minute

Qaar ka mid ah Xildhibaannada wada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa hadda waxaa soo kala dhexgalay khilaaf cusub.

Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaannada Mooshinka ka wada Jawaari ay soo jeediyeen in maalinta Berri oo Arbaco ah ay qabanayaan kulanka Golaha shacabka ee mooshinka Jawaari.

Qaar kale oo ka mid ah Xildhibaannada Mooshinka wada ayaa iyana ku doodaya in ay muhuumtahay in Xildhibaannada mooshinka wada ay tahay in ay ka war sugaan dhex dhexaadinta uu wado Madwxeynaha iyo wadahadallada lagu ballamay wixii ka soo baxa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in maalinta Berri ah ay Mooshinka geynayaan Golaha shacabka islamarkaana Guddoomiye Jawaari uu leeyahay wixii u soo baxa.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha shacabka ee Mooshinka ka wada Jawaari ayaa Xildhibaannada ay isku aragtida ka yihiin Mooshinka ku dhaliilay go’aanka ay berri ku geynayaan Golaha shacabka Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.