Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magalaada Kismaanyo Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Ujeedada Shirka Jaraa’id ayaa ahayd in gudigu waqbixin ka bixyo meesha ay marayso howlaha doorashooyinka Jubbaland.
Gudiga ayaa faah faahin ka bixiyey guud ahaan geedi socodka dooraashda Jubbaland gaar ahan halka ay marayso soo xulista Baarlamaanka cusub ee Jubbaland iyo qaabka ay u socoto soo xulista Odayaasha dhaqanka Jubbaland.
Gudiga ayaa sheegaya in xulista xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ay mareyso meel wanaagsan isla markaana ay ku tagaan tahay waqtigii loo qorshayay
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddiga doorashooyinka Axmad Cumar Maxamed oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaafaah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto soo gudbinta liiska Xildhibaanada cusub ayaa warbaahinta u sheegay in Maalinta berri ee Talaadada ah ay ku egtahay xilliga guddigu qabtay ee loo qorsheeyey in lagu soo gudbiyo liiska xubnaha Baarlamaanka.
Gudiga ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka in ay soo xareeyaan foomamka iyo xogta xubnaha lasoo xulay isla markaana xubnaha ku soo daraaan xubno haween ah si loo ilaaliyo qoondada dumarka oo ku cad xeer hoorsaadka.