Xukuumadda Kheyre ayaa si bareer ah waxay u dayacday Amniga shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kadib markii ay magaalada soo galeen gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Xogta la helay ayaa waxay sheegeysaa in xukuumadda kheyre loo soo sheegay gaadiidkan qaraxa ku raranyahay kahor inta aanay gudaha u gelin magaalada Muqdisho , hase ahaatee waxaa naloo sheegay iney iska yareesatay arrintaasi.
Waxaa muuqanayesa dayacaad shacabka ah taas muujineyso Siyaasad Xumada Xukuumadda Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana jirto halis badan oo soo wajaheyso shcabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.
Lama oga sidey wax u dhici doonaan balse waxaa muhiim ah in shacabka muqdisho ay muujiyaan Foojignaan dheeri ah , ayadoo xildhibaanada Qaranka laga sugayo in ay qaadaan tilaabooyin cadcad oo ka dhan ah xukuumada Fashilantay ee Kheyre