Xukuumada Soomaaliya oo Ku Fashilan Sugida Amaanka Muqdisho Xilli Xukumada Kheeyre aysan Heyn Qidad Qaraxyada Lagu Joojiyo

Reading Time: < 1 minute

Xilli ay sii kordhayaan weerarada ka dhaca Magaalada Muqdisho iyado Ciidankii Xasilinta Caasimada Laga Qaaday Isgooysyada Muqdisho kuwoda ugu muhiimsana waxa horey u jirtay in isgooysyada oo xiran ay dhici jireen Qaraxya,Dilalka,Iyo falalka kale amaanka.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku fashulmatay sugista amniga guud ee magaalada Muqdisho, kaasi oo maalmahan dambe aad uga darayey.

Qaar ka mid ah Hay’adaha amaanka ayaa waxay sheegayaan ineysan hadda ku filneen qabashada gaadiidka is qarxinaya, sababtuna waxay ku sheegeen in magaalada oo dhan la xiri karin maalin walbo.

Waxaa muuqaneysa in weli ay maqan tahay qidad wax looga qabto amniga iyo kala dambeynta Muqdisho.

Saraakiisha sare ee Al Shabaab aya shegay in dadka ay kaga digayan in ka ag dhawaadan goobaha ay Ciidamada Dowlada fadhisimaha u ah xili ay si kordhayaan qaraxyada ay geeystaan.