Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka, C/weli Sheekh Muudey ayaa kaalinta ugu weyn ee mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari qaadanaya, isaga oo lacag badan ku qaatay.
Wararka anu heleyno ayaa sheegeya in Muudey uu mooshinkaan ku qaadanayo shaqsi ahaan Labo Milyan oo doolar, Milyan waa loo hormariyey, midka kalena waxaa loo ballanqaaday maraka uu Jawaari meesha ka saaro.
Lacagtaan oo ay bixisay xukuumadda ayaa waxaa barbar socda lacagaha kale ee la siinayo xildhibaannada codadkooda la doonayo.
Muudey ayaa ah shaqsi aad ugu caan baxay fowdada baarlamaanka, isagoo lagu xusuusto baarlamaankii hore ee uu xilkaan oo kale ka hayey waxyaabihii uu sameeyay.