Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa waxa ay sheegeen in uu qaldan yahay Wasiirka Dastuurka ayna cambaareynayaan warkaas ka soo baxay,isla markaana uu sheegay isaga oo aan Guddiga la soo xiriiririn.
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir ahna Madaxa Maaliyadda ee Guddiga waxa uu sheegay in guddigooda uu yahay mid madax banaan Wasiirka Dastuurkana uusan faraha lasoo geli Karin Shaqadooda,waxa uuna sheegay in iyagu ay yihiin kuwo uu Baarlamaanka arrintaan uu u xil saaray.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ku jirin qodob sheegaya in Wasiir uusan isa sharixi Karin iyo in uu isa sharixi karo laakin loo baahan yahay in meel dhexe la isugu yimaado.
Xildhibanka aya sheegay in hadalkii ka soo baxay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kana mid aheyn Xildhibaannada Golaha Shacabka uusan ku yeelan doonin wax saameyn ah.
Xukuumada Xasan Cali Kheyre aya sameyneysa faragalin qaawan si ay olalahooda ay ku doonayaan Gudoonka Golaha Shacabka ay ka wadan Muqdisho.