Xukuumada Kheyre Iyo Xildhibanada Mooshinka Wada oo u Hanjabaya Xildhibanada Haweenka Ah ee Jawaari Taageersan

Reading Time: < 1 minute

Mashquul badan aya ka jira Madaxtoyada Soomaaliya waxana socda isqabqabsi iyo isxulufeysi xoogan oo ay Xildhiibaanada Kheyre ee ka wadan Madaxtoyada Soomaaliya.

Xafiiska Raiisul Wasaare Kheyre aya la shegay in xildhibaano iyo Odoyaal dhaqameed yadu ay buux dhafiyeen,waxana abaabulka lagu badi gobayo odayaashasi ay bilaabeyn Xukumada Kheyre.

Xildhibaano u badan Dumar aya waxa la donaya in lo adegsado Mooshinka Xukumadu iyado balanqaadyo lo sameynayo odayaashaasi si Xildhibanada ay matalaan ama ay so Xulleyn ay kaga dhaadhacsiya Mooshinka Jawaari.

Sida ay ogaatay Moqdisho.online Xildhibaano badan aya logu goodiyay in la wax yeeleyn doono (la dili doono) hadi aysan dhankooda noqon oo aysan saxiixin Mooshinkaasi.
Sido kale odayaasha so xulay Xildhibanada oo mataalad u ah aya ku cadaadinaya Xildhibaanadu in ay Mooshinkaasi ay qeyb ka noqdan,iyado ay sii dheer tahay Xildhibanada Baarlamanka ee kuwa ku heybta ah raadinaya si Mooshinkasi lo saxiixo.

Weerarka Xukuumadu ay ku qaaday Jawaari aya u muuqda mid fashil ah oo indha sarcaadin Siyaasadeed ah iyado ay jiraan kalsooni ka dhex jirta Xildhibanada uu heyso Jawaai oo ku celceliyay in Moshinkoda la yimaadan.