Xukuumada Kheeyre oo Xiratay Wadooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho Xili Mooshinkii Logaga Adkaaday

Reading Time: < 1 minute

Xukuumadda Soomaaliya aya ciidamo badan so dhigtay wadooyinka magaalada Muqdisho iyado ciidamadaasi ay u hubeysan yihiin xili mooshinki logo awood roonaday.

Ciidamada Dowladda ayaa maanta Wadooyinkii soo geli jiray jidka Wadadda Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo loo diiday inay gaadiidku u soo gudbo dhinaca Maka Almukarama.

Wadooyinkii isku xiri jiray Jidka Wadnaha iyo Jidka Maka Almukarama lagu xiray Gaadiidka Ciidamada dagaalka, Dhagaxaan iyo Biro hor leh, waxaana la xiray Isgoysyada Foloronsa, Geed jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha iyo Taleex.

Ciidamada ayaa u diidaya gaaadiidka iyo Mootooyinka in ay isticmaalaan wadooyinka u xiran, waxaana horay ugu xirnaa wadooyinka dhanka Xaafadaha, iyagoona kusoo koobay isgoysyada oo kaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa kacsan iyadoo qaar ka mid golaha shacabka ay shegayan in maamulka sare ee kooxda qiyaano qaran ay qorsheynayan in ay dalka afganbi iyo xoog kula wareegaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!