Xukun lagu riday wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo musuq-maasuq u xirnaa

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan ka gaartey kiis ku saabsan musuq-maasuq oo loo haytsay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Mas’uulkan oo xabsi ku jiray tan iyo bishii Augus ee sanadkan, ayaa waxaa dacwad kusoo oogay xafiiska Hantidhowrka iyo Xeer-illaaliyaha qaranka, taasi oo ahayd inuu ku kacay fal musuq-maasuq ah iyo ku tagri-fal hantida dadweynaha.

Wasiir ku xigeenka ayaa lagu helay demiyadii lagu soo oogey, oo uu kamid yahay inuu Khasnada Wasaarada Arrimaha Dibadda kala baxay lacag aanan cadadkeeda la shaacin, taasi oo uu amray Hantidhowrka in aanan la bixin karin.

Ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed, oo wakiil ka ahaa Xeer-illaaliyaha, ayaa maxkamadda hor-geeyay caddeymaha ay u hayaan inuu Mukhtaar baxshay lacagta.

Qareenadda difaacaysay Wasiir ku xigeenka oo qiray bixinta lacagta ayaa waxay tibaaxeen in mas’uulkan uusan u isticmaalin dano gaar u ah isaga, balse uu ku bixiyay baahiyo ay wasaaradu soo foodsaarey.

Intaasi kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir, Muuse Macalin Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa shaaciyay in Wasiir ku xigeenka ay ku cadahay eedaynta loosoo jeediyay, isagoo ku xukunay ganaax lacageed oo gaaraya $7,000.

“24-ka saacadood ee soo aadan, waxaa u furan Racfaan oo uu ka qaadan karo xukunka maxkamadda,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir.

Kiiska musuq-maasuqa ee lagu haystay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa qeyb ka ah fadeexad wax-isdaba-marin oo loo xiray dhowr mas’uul.