Xukun Lagu Riday Saakay Askari Dilay Taliyihii Ciidamada Badda

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xukun Dil ah ku Xukuntay G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.

Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo uu bixiyo Diyo dhameystiran

Saakay ayay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ay ku dhawaaqday Xukunka lagu riday G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.