Xukun lagu riday ruux Al-shabaab u qaabilsanaa basaasnimo

Reading Time: < 1 minute

Maanta ayey Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku riday Xukun adag Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow, kaas oo in muddo ah ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana u qaabilsanaa fal basaasnimo.

Sidoo kale, bishii November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xereenn xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile, waxaana Cabdirisaaq loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa howlaha basaasnimada.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay sida la sheegay agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, ookiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha, balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Cabdirisaaq Yarow ayaa la sheegay inuu ku shaqeysan jiray Gaari ka howlgasha shirkadda Rikaab, sidoo kale wuxuu ku shaqeysan jiray sanadadii 2015 ilaa 2020 Bajaaj, isagoo lahaa Saddex meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center, balse mar dambe uu iska xaraashay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, waxaana da’diisa lagu sheegay Waa 28 jir kuna dhashay Muqdisho, sidoo kalena ka baxay Jaamacadda Jamhuuriy, isagoo ka bartay faculty-ga Computer Science.

Xukunka waxaa ku dhawaaqay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida, kadib markii uu dhageytay dhinacyada dacwadda, oo kala ahaa Xeer Ilaalinta iyo qareenada.