Xukun dil ah oo lagu riday xubno lagu sheegay Al-shabaab & cabasho ka dalatay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo howlgalo lagu qabtay.

Xubnaha la xukumay oo tirro ahaan gaaraya 8 Rag ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galmudug.

Dhanka kale, qaar kamida eheladii ay ka dhasheen wiilasha dilka lagu xukumay ayaa cabasho ka muujiyay go’aanka ay qaadatay maxkamada Puntland, kaas oo ay ku tilmaameen sharci daro iyo in willashaas lagu qasbo in ay qirtaan dilal ayan wax lug ah ku  laheynin.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa sheegtay in raggaan ay dhammaantood ka yihiin Al-shabaab, laguna helay demiyada lagu soo qabtay, iyadoona ku riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Puntland ayaa todobaad ka hor dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.