Xukumadda Soomaaliya oo u Hanjabtay Xildhibaanada Hirshabeelle Ee Mooshinka ka keenay Madaxweyne waare iyo Xildhibaanada oo Yiri”Kheeyre ayaa dil noogu hanjabaya”

Reading Time: < 1 minute

In ka badan 60-Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa xalay saxiixay mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed cabdi Waare ka dib markii ay ka caroodeen dhacdooyin dhowr ah oo ay u dulqaadan waayeen sida ay sheegeen.

Iyadoo ay sidaasi tahay ayaa xildhibaanada qaarkood oo la hadlay Warbaahinta waxa ay sheegeen inay hanjabaad kala kulmayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,oo taageersan Madaxweyne waare

Mahad Xassan oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada Hir-Shabeelle iyo guddoonka intaba ay hanjabaadyo kala kulmaya Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya,taasna ay tahay arin laga wanaagsan yaha

Xildhibaanku Waxaa uu sheegay in dowladda Somaaliya ay Hir-Shabeelle mar walba taageero oo ay garab qabato,isl markaana y tahay dowladooda balse ay haatan diidan tahay mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweyne Maxamed cabdi waare.

Dhacdooyinka Cabsi gelin iyo caga-jugleeynta can ayeey ku noqotay Dowlada Hadda Jirta,Maanta ayeey markii aan idinsoo baahinay Madaxa hay’addii Daraasada ku sheegtay in Taageerada Dowlada hoos u dhacday oo dil dowladu ugu hanjabtay