Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir isugu yeertay Madaxda Galmudug ee khilaafka soo kala dhex galay, iyadoo 30-ka bishan loo qabtay inay shirka isugu yimaadaan.
Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ahaa ayaa shalay si lama filaan ah uga degay magaalada Cadaado, iyagoo isaga tagay shir dhex dhexaadin ahaa oo ay dowladdu ka dhex waday, halka Madaxweynaha Galmudug uu isna aaday Dhuusamareeb.
Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha u qoray dhamaan Madaxda Galmudug, kuna ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu ku sheegay in dhammaan Madaxda Galmudug ay ka soo qeyb galaan shirka dhici doona 30-ka bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah.
Wasiirka ayaa soo jeediyay in la hakiyo dhamaan howlaha fulinta ee ku aadan heshiiska Jabuuti, isla markaana ay tahay in marka hore meesha laga saaro wax kasta oo caqabad ah.
Maamulka Galmudug oo khilaafyo horay ay soo ragaadiyeen ayaa hadda qarka u saaran inuu labo garab ugu kala jabaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay hada kala fariisteen Madaxweyahan iyo Madaxa Xukuumadda oo dhinac ah iyo sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.