Xukuumada uu horkacayo rawasaare kheyre ayaa isku dayeysa iney ka hortagaan mooshinka ka dhanka madaxweynaha maamulka hirshabelle maxamed cabdi waare kaasi oo xildhibaanada baarlmaanka maamulkasi qaarkood ay soo diyaariyeen.
Qaar kamid ah xildhibaanada baarlammaanka maamulka hirshabeelle ayaa iyagu doonaya iney kalsoonida kala laabtaan madaxweyne waare maadaama uu dib uga laabtay go’aankii golaha iskaashiga maamul goboleedyada kaasi oo ahaa in xiriirka loo jaro dowladda dhexe ee soomaaliya.
Balse taas badalkeeda madaxweyne waare ayaa heshiis lagaaray dowladda dhexe ee soomaaliya isagoo iska indha tiray qilaafkii kala dhaxeeyay iyo wada shaqeeyntii liidatay ee maamulkiisa ay la laheed dowladda dhexe isagoo sidoo kale indhaha ka dabooshay heshiiskii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee ahaa in dowladda xiriirka wada shaqeeyneed loo jaro.
Waxaana arrintaasi loo arkaa iney tahay mida ugu weeyn ee sababtay mooshinka ka dhan ka ah ee madaxweyne waare xildhibaanada ay ka gudbiyeen,
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya golaha iskaashiga maamul goboleedyada in ay ka danbeeyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweyne waaare halka geetsa kalana xafiiska kheyre uu taagero lacageed uu diyaar ula yahay madaxweynaha hirshabeelle si uu uga badbaado xildhibaanada seeftooda gasha kala baxay.
Sikastaba ha ahaatee arrintani ayaa u muuqaneysa mid xasilooni siyaasadeed ka abuuri karta deeganada maamulka hirshabelle iyadoo sidoo kale hakad gelin karta horumarada ka socda maamulkaasi.