Xukumada Kheyre oo logaga Digay Faragalinta Iyo Weerarka ay Ku Heyso Mamulka Axmed Madoobe

Reading Time: < 1 minute

Senator Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee laga soo doortay Jubbaland ayaa Xukuumadda Soomaaliya uga digay faragelinta lagu hayo Maamulka Jubbaland.

Senator Iftin Xasan Baasto ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay ka digtoonaato arrimaha ay wado Xukuumadda, isagoo xusay inuu isaga ka mid yahay Senatarada laga soo doortay Jubbaland, isla markaana aanay raalli ka noqoneyn waxyaabaha qaar.

“Anaga waxaa nahay Senatorada Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland oo aan ku matalnaa dowladda Federaalka, waxaa leenahay Xukuumadda ha iska ilaaliso dul duleedaha faraha badan iyo doc faruurka ay wado, marna ma ogolaaneyno faragelin wax burburin ah”ayuu yiri Iftin Xasan Baasto oo wareysi siiyay Warbaahinta.

Waxaa uu sheegay in arrimaha beryahan soo baxaya aanay aheyn arrin aysan jecleysaneyn, isla markaana Xukuumadda ay fahmadeeda badatay isagoo xusay in loo baahan yahay xasilooni siyaasadeed iyo degenaansho dimoqraadiyadeed.

“Waxaan ujeednaa Xukuumadda waxa ay u dan leedahay iyo waxa ay u socoto, dalkaan marxalad adag ayuu soo maray, illaa hada Xukuumadda hal mashruuc oo waxqabad kama sameyn Jubbaland, maantana waxay wadaa doc-doceyn iyo faragelin, raallina kama nihin”ayuu yiri Senator Iftin Xasan Baasto.

Mad madow dhanka siyaasadda ah ayaa soo kala dhex galay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyado Xukumada ay weerar ku tahay Qaar ka mid ah Maamul Goboledyada