Xukumada Kheyre oo Ku Adkeysanaysa In Ciidankeda Ay Xoog Ku Joogan Xarunta Golaha Shacabka Si Qalqal Galin Xildhibanada Logu Sameyo

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u dalbday in meel ka baxsan xarunta golaha shacabka lagu qabto cod u qaadista mooshinka laga keenay goobjoogna ay ka ahaadaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya aya waxa wali xukumada ka dhaadhici la qorshahan uu so bandhigay Jawaai.

Xildhibaanada ayaa sheegay in aysan diidaneyn in golaha shacabka lagu qabto kulanka balse ay diidan yihiin in cod u qaadista ay dhacdo iyadoo ciidamadii ay Xukuumada Soomaaliya geysay xarunta ay weli joogaan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada hada jooga xarunta aysan ahayn ciidamadii u tababarna ilaalinta amniga xarunta.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada hada golaha shacabka joogay aysan ahayn ciidamadii u tababarnaa sugida amniga xarunta.

Waxa uu xusay in ciidamadaan ay yihiin kuwa dagaalama isla markaana aysan ahayn ciidamo sugi kara amniga xarunta.