Xukumada Galmudug oo Shegtay in Ay So Furanayan Dad u Afduuban Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay waxyaabaha kaga qorsheysan deegaannada weli ka maqan Gacanta Maamulka Galmudug.

Maxamed Shaakir cali Xasan ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu ka warqabo in ay weli jiraan deegaano ay dad ugu afduuban yihiin Al-Shabaab kuwaas oo si deg deg ah lagu xureyn doono sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mardhow ay deegaannada Gacanta Maamulka Galmudug ka maqan ay dib u xuroobaan ayna ka dhigi doonaan kuwo amni ah sida deegaannada hadda ku jira Gacanta Gamudug.

Maamulka Galmudug ayaa haatan wada qorsho la’isugu dhafayo Ciidamada Galmudug iyo kuwii Ahlusuna ee ku biiray Galmudug si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.