Xuduuda Soomaaliya Iyo Kenya oo Gabi Ahanba Manta Xiran

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo aya shegaya in gabi ahaanba la xiray manta xadduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ee degmada Belad-xaawo.

Guud ahaan ma jirto saakay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee Labada Dal, sidoo kale waxbarashadii ayaa hakad ku jirta waxaana wararka ay sheegayaan in aan qaadkii ka imaan jiray Kenya uusan soo gelin gobalka Gedo ee Soomaaliya.

Arintaan ayaa ka dambeysay muran dhina Xadduuda oo wali ka taagan gobalkaasi Gedo, Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay wado dhul balaarsi waxaana ka soo horjeestay shacabka Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Kenya ayaa dooneysa in ay darbi ka dhisto Xadduuda ay la wadaagto Soomaaliya, madaama ay u xaal weysay weerarada Al-Shabaab ee lagu qaadayo gudaha kenya.