Maalinti labaad waxaan Guud ahaan jirin saakay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee xuduuda Kenya iyo Soomaaliya ee Magaalada Belad-xaawo , sidoo kale kala xirnan shiyahan waxa uu sameyn ku yeshay dhanka waxbarashada.
Maamulka degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta dab qabadsiiyay Qaad laga keenay magaalada Mandera, kasoo ku jeeday Magaalada Beledxaawo iyo sidoo kale degaanda hoos yimaada.
Arintaan ayaa timid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay la xiray xadka ay wadaagaan degmooyinka Baledxaawo iyo Mandera.
Maamulka Degmada Baled Xaawo ayaa amray in gabi ahaanba la gubo qaadkaan oo si sharcidaro ay sheegeen in looga soo tallaabiyay xuduuda,maadaama ay xiran tahay.
Waxaa la gubay ku dhawaad 25 Jawaan oo qaad ah sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.