xubno sare oo katirsan Ururka Al Shabaab oo lagu dilay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Saraakiil u hadlay kooxda la magac baxday Macaawisley ayaa waxaa ay sheegeen in ay  Al-shabaab kula dagaalameen  Gobolka Shabeellaha dhexe, islamarkaana halkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayasha Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu  ka dhacay degaanka Guullane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku dhimatay, halka Tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegteen saraakiisha u  hogaaminaysa Kooxda La magac baxday Macaawisley.

Xaalada deegaanka Guullane ayaa saakay degan, iyadoona cabsi ay ka jirto, taasi oo u dhexeysa Al-Shabaab iyo Kooxda La magac baxday Macaawisley.