Xubno Sar Sare Oo Katirsan Ururka Al Shabaab Oo Ka Qeeyb Galay Xaflad Ay Shabaab Ku Qabsadeen Magaalada Muqdisho

Reading Time: 3 minutes

Ururka AL-Shabaab ayaa lacago ay ku sheegtay inay yihiin Zako u qeybisay dadka Muqdisho dagan sida ay Al-Shabaab ku baahisay warbaahinteeda. Dadka wax lo qeybiyey ayaa waxaa loo qabtay xaflad ay kasoo qeyb galeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in Meesha ay wax ka dhaceyn tahay Muqdisho, haddana waxaa muuqato inay tahay halka ay wax dhaceyn meel tuulo ah iyo Xarun wax lagu barto oo loo maleenayo inay Al-Shabaab dadka wax ku baraan. Waxay dhici karta inay tahay duleedka Muqdisho, balse Shabaab waxay ku sheegeen goobta meel Xamar ka mid ah.

Dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada waxay gaarayeen inka badan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.

Dadka sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood xitaa naafo ahaa, waxaana dhamaan dadka qaatay Zakada ay ka sinnaayeen iney ahaayeen dad fuqaro ah.

Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay dadka Zakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah.

AL-Shabaab ayaa baahisay in dadka wax loo qeybiyey ay ahaayeen kuwa dagan Muqdisho inkastoo aysan sheegin meesha uu kulankaas ka dhacay.

Inta uu khudbeenayey Cali Dheere wuxuu kusoo celcelinayey in dadka wax loo qeybinayo yihiin kuwii daganaa Muqdisho isla markaasna ay duruufta u saacidi weysay inay guryahooda ugu tagaan halkaas oo laga dhadhasan karo in dadkaan ay joogeenn meel aan Muqdisho aheyn.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada: