xubno katirsan Ururada Daacish iyo Al Shabaab oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka maamulka Puntland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso kusoo qabtay xubno ka tirsan Shabaab iyo waliba ururka Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys ayaa warbaahinta u sheegay in 5 xubnood oo Shabaab ka tirsan lagu qabtay Boosaaso,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilalkii Maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu gudoomiye Waceys uu sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay 4 xubnood oo ka tirsan Daacish,kuwaasoo uu sheegay in hadda gacanta loo galiyay Waaxda Baarista Ciidanka Booliska gobolka Bari.

Waceys ayaa xusay in dadkaan sidda ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad lasoo taagi doono si loo marsiiyo Cadddaaladda.

Maalmihii lasoo dhaafay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland waxaa ka dhacayay dilal joogto ah,kuwaasoo loo geysanayay Ganacsatadda iyo Ciidanka maamulka Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!