Madaxdii Waaxda Furdooyinka ee Dekadda Muqdisho oo la Baadigobayo.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa la xerxeray shaqaaliihii wasaradda Maaliyadda ee qeybta xafiiska  canshuuraha dekadda kuwaas oo ka kooban 6 qof, waxaana la baadigoobayaa madaxdii waaxda  canshuuraaha (customs)Dekadda Axmed Cabdullaahi Samow. Axmed waxaa keenay Fahad Yasiin oo u dhiibay xafiiska, waxaana soo baxaya in uu la baxsaday lacag badan. Dhinaca kale waxaa muuqata in la bilaabay in la dabageddiyo kooxdii Fahad kadib markii ay bilaabatay inay soo baxayaan in Fahad ku sii jiritaanka Dawaladda Somaliya uu khater ku yahay, kadib markii ay MOL baaris ku sameysay dhowr qof oo uu fahad ku jiro. Halkaan ka eeg

Dhinaca kale waxaa socda ugaarsi gaar ah oo uu wado willka H/Dhowrka guud oo isaga laftiisa ah shakhsi loo hayo galal musuq maasuq oo MOL ku daba jirto. Haddaba si uu isu qariyo waxaa uu hadda bilaabay inuu hay’adaha qaar oo aysan jirin cid ka ceshaneysaa uu kolba koox iska abaaro. Maalmo dhaweyd ayey ahayd in ay ameel cad isla soo taageen in W/K/Arrimaha dibadda uu lunsaday laacag hasa yeeshee ay beenisay wasaaradda A Dibadda taas oo ahayd ceeb ku habsatay labada shakhsi Xeer ilaaliyaha iyo Hantidhowraha guud oo u muuqda inaysan ceeb Karin, balsa aysan jirin kalsooni lagu qabi karo go’aamadooda.

Wararka ayaa sheegaya dadka  waxaa ku jira Maamule kuxigeenka Kastamka Canshuuraha Dekeda. Waxaana  la raadinayaa Maamulihii waaxada Canshuuraha Dekeda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow oo la sheegay in loo jaray warqad amar xarig.

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ayaa la sheegay in todobaayadii u dambeeyay uu il gaar ku hayay meel uu kaga baxsado ceebtii ka raacday Wasiir/K/ Arrimaha Dibadda waxaana maanta laagala kordhacay xafiiska canshuuraha Dekeda Muqdisho oo ah halka lagu canshuuro badeecadaha iyo alaabaha ka soo dega Dekedda.