Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay shir labo geesood ah oo ay ka soo qaban qaaleen qaar kamida Mucaaradka dowlada u hogaamiye Madaxweyne William Ruto kuwaas oo ka soo jeeda Waqooyiga dalka Kenya.
Kulankaan ayaa sida loo dhigay waxa uu ahaa kulan labada dhinac ay uga hadleen in la abuuro iskaashi dhaqaale iyo isdhexgalka labada dhinac. Kulanka waxaa uga qaygalay dowlada Soomaaliya Cali Ifiye Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah; Wasiir Raxma Maxamed Guuliye, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Hirshaballe; iyo Mudane. Xildhibaan Cali Cadow Jibriil (Kutubi) ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya.
Xildhibaan Aadan Keynaan oo isaga shir gudoominayay kulankaas ayaa yiri “Waxaa naga go’an taageeradayada si aan u sii wadno fursadaha suurtagalka ah waxaanan dib u milicsannay siyaabaha aan ku taageerno iskaashiyada kobcinta kobcinta dadaalkeenna si aan u fududeyno is-dhexgalka dhaqan-dhaqaale sida cunto karinta horumarinta gobolka”.
Waxa uu intaas ku dadaray “Hogaamiyeyaal ahaan, waxa aanu diiradda saaraynaa bixinta qaab-dhismeed ku dadaalaya in uu furto dariiqyo cusub oo fursado faa’iido u leh labada dal ee walaalaha ah, Soomaaliya iyo Kenya”.