Xubno ka tirsanaa kooxda Daacish oo dil lagu xakumay

Reading Time: < 1 minute

Waxa ay maanta Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ku xukuntay dil xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Ururka Daacish halka kuwo oo lagu waayay danbi la sii deysay.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in  nin lagu magacaabo  Aadan Maxamed Cali oo lagu xakumay dil toogasho ah.

Aadan Maxamed Cali ayaa  Xeer ilaalinta ku eedeysay in uu ka tirsanyahay qeybta qaabilshan dilalka qorsheysan oo ay fuliso kooxda  Daacish waxaa si gaar ah loogu  eedeeyay in isaga iyo labo qof oo kale ay Askari lagu magacaabi jiray Axmed Hurshe Jaamac ku dileen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Waxaa kale oo lagu helay laguna cadeeyay in Magaalada Boosaaso ay ku dilay Ganacsade  lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Aadan Cali. Sidoo kale waxaa la sheegay in Muqdisho ay  ku dileen Axmed Maxamed Nuur, Cabdullahi Muxamed Cali, iyo Axmed Cabdi Xuseen oo ay ku kala dileen Howlwadaag iyo Yaaqshiid.

Cabdishakuur Xaaji Barsani ayaa dhankiisu waxa ay maxakamada ku eedeeysay in gacanta lagu dhigay isaga oo gacan siinayay eedeysanaha 1aad oo isku dayay in uu ka baxsado laamaha amaanka.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa sii deysay Cabdi Shakuur Xaaji Barsanji oolagu waayay eedeymihii loo heystay,lana amray in sida ugu dhaqsiyaha badanXabsiga looga sii daayo.